Kulan Balaaran islamarkaana Duco iyo Baaq isugu jiray ayaa Jaaliyada Beesha Sheekhaal ee ku Nool wadanka Sweden ay isugu Yimadeen Magaalada Stockholm Gaar ahaan Howlka Tensta Träff Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Culumo Udiin,Wax Garad.aqoon yahan,Dhalin yaro,Haween iyo Bahda Saxaafada ayada oo khudbadihii Goobta laga soo jeedshayna ay ahayeen kuwo Qiiro badnaa Islamarkaana Taabanayay kana hadlayay Dhibaatadii isbuucyo ka hor ka dhacay Magaalada Raaso ee Dowlada Federalka itoobiya Halkaasi oo ay ku Dagalameen Bulsho Walaalo ah.
Goobta ayaa ugu horeyn waxaa lagu Furay Aayadaha Quraanka Kariimka ah ayada oo ka dibna uu khudbad Gaaban islamarkaana Taabanaysa Wanaaga Nabadu lee dahay iyo Sababta kaliftay in Jaliyadu isugu Timaado Kulan Nucaan ah ka hor jeedshay Bulshadiisu Goobta isugu Timid Mudane Xildhibaan Cukaashe oo ah Mudane ka tirsan Barlamaanka Soomaaliyeed.
xildhibaanka ayaa aad ugu dheraaday kaalinta Nabadu ay ku leedahay Bulshada ayada oo Xildhibaanku Geesta kale soo hadal Qaaday isku duubni iyo in Dagaal kala joojiyo Sidoo kale waxaa Goobta ka hadlay Sheekh Maxamuud sheekh Nuur Waxa uuna shiikhu uu ka hadlayay Ahmiyada Walaaltinimadu ay islaamka ku lee dahay iyo sidoo kale Qaraabanimada iyo in la is caawiyo la isna Cafiyo.
waxaana sheekh Maxamuud Sheekh Nuur oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed uu ugu danbeyntii ka soo jeedshay goobta in dagaalka la joojiyo Alle weydiis taan dadkaasi walaalaha ah ee dagaalamay Cafis Allena ina ay Towbad kenaan.
Sheekh Maxamuud Sheekh Nuur waxa uu ugu danbeyntii uu u diray dadkaasi walaalaha ah in ay Dagaalada joojiyaan asaga oo u duceeyay dhamaan Dadka Muslimiinta ah Gaar ahaan dadkaasi asaga oo shiikhu uga baryay in Alle Nabad ugu Badalo Colaada Ka taagan Iminka.
Axmed Xaaji Xassan oo ku hadlayay codka Odayaasha Jaaliyada Beesha Sheekhaal ayaa asaga Waxaa uu Goobta ka soo jeedshay Khudbad u badneed Fartiin Nabad asaga oo Xasuusiyay in dadka Dagaalamay ay dagaalka joojiyaan ogadaan in ay yihiin dad walaalaha asaga Axmed Xaji Xassan ku cel celshay sida ka odayaal ahaan uga xun yihiin.
Waxaana ka shegeeyay Kaalinta Dadka walaalaha ee dagaalamaya ay ku dhex leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed asaga oo sheegay in ay yihiin kuwo looga dayan jiray Diinta iyo Wanaaga ahadana ay tahay mid laga xumaado in ay dagaalo isku Qadaan.
Khudbadihii Goobta laga soo jeedshay ayaa ahaa kuwo aad u badnaa ayada oo sidoo kale ay Khudbado ka soo kala jeesheen Xuseen Shaarib,Maxamed Maki.Saadaq sheekh Cabdulaahi,Bashiir Macalin, C/laahi Cali Muuse, Xassan Macalin Maxamed Xassan Sheelaro Maxamuud Ali sheekh, Maxamuud Cukaash Axmed Nuur,Cabdi Kariin iyo Waliba Faadumo Cismaan oo ku hadleesay Magaca Haweenka Jaaliyada.


Waxaana dhamaan dadkaasi ay ka hadleyn ahmiyada ay u lee dahay Nabadu dadka ayaga oo ugu wada baaqay walaalahaasi in Dhaqso ku joojiyaan Dagaalka Nabadana Qataan Waxaana ay sidoo kale shucurtooda ku wada muujiyeen Dareenka Tiraanyada leh ee la wadagayaan dadkii wax yeelada ka soo gaartay Dagaalka Raaso ka dhacay.


Ugu danbeyntii ayaa jaaliyada Beesha ee Sweden Waxa ay ka soo Saartay Kulankooda Bayaan ku socday Dagaalka Raaso ka soo ka kobnaa 6 Qodob Waxaana u dhignaa sida tan.
1) Waxa aan Walaalaha dagaalamay u soo jeedineynaa in ay Alle u Towbad kenaan.
2) Waxaan Tacsi U direynaa Ehelada Walaalihii ku Geeriyooday dagalkaasi.
3)In Culumada iyo Wax Garadkuba ay ka qeyb Qataan Joojinta Dagaalka.
4)In Wada hadal iyo Dib u heshisiin deg deg ah la furo.
5)in Sharaftii Beesha ku lahayd beelaha Soomaaliyeed ee Nabada Jeceyl la so celiyo.
6) Waxaan Hiil iyo Howlba la garab taaganahay dadka Walaalaha ah ee iyagu is ku xilqaamay in Heshiis Dhex Dhigaan Umadda Walaalaha ah
Wabillaahi Towfiiq
Jaaliyada Beesha Sheekhaal Sweden.
Geesguud.com
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































