Marka aan Eegno Wajiyada Siyaasada Soomaalida Waa Mid ka duwan Xiligaan Tan Caalamka Waxaana ka dhaca Waygii Soo Baryaa Wax ka badalan Dunida Inteeda Kale Tasoo Isir Ama Farac aanan u lahayn Soomaalidu Balse Tahay Mid Musiibo ah Xiligeeduna Galay Waxaa Hubaal in Marka shacabka ay ku dhacaan dhagahoodu ama ay Aqriyaan Magaca Qabqable+Qabiil in ay durbadiiba ka soo qabanayaan Dhibkii dhacay 21 Sano Waqti ka badan.
Marka aad Fiiriso dhibkii dhacay waxaa uu ahaa Mid Xanuun Badnaa Malayiin iyo Malayiin Soomaaliyeed ayay dhibaato ka soo gaartay Qasaaraha dagaal ee Qabiilku Basiinku u ahaa waana mid Qabyaalada Qabiilka ku dhisan wali Taagan Soomaaliduna ay ku xisaabtanto Marka ay Fagaaraha Wada hadalka la soo istaago Ma,ahan mid la layaabo in Qaran Dumay Daawo looga dhigo Qabyaalad iyo Qabiil waase mid Dunida inteeda kale ku cusub.
Waa su,aale Ma qoom Dunida aan joogno ka tirsan beynu nahay Mise duun Meel kale loogu soo waxyooday beynu nahay Mise Insaanka Saaran koonka baynu ka mid nahay..?? hadaba Maxaa dadkaan badi Damirkii ka qaaday shaqsi walba oo Soomaali Waxa uu ku hamin in uu dalka Hantidiisa Lunsado dadkiisuna ay baahi uga dhintaan ayada oo ay dheertahay in Ruxii koraa Kursi Qaran uu danaha Qabiil uga biyo siiyo asaga oo inta kalena ku tumanay.
Ma,ahan Wax la dafiri karo dadaalada iyo Kartida qeybo ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed ee Wadiniyiinta ah Waxayse noqdeen kuwo aanan Dadalkooda Garab buuxa Ku helin xiliguna uusan ku saacidin in ay hantiyaan awooda Sare ee dalka walow aan ogahay in Maalin uun soo laaban doonto kuwa xaqiiqda iyo Cadaalada jeceylna ay ehel u noqon doonto Heerka Bulshadeydu cadaawada Qabyaalad iyo Qabiil kala Gaarsiisay waxay Mareysaa in ( Cid Walba oo runta sheegta aanan la aaminin) Macnaha Taasi waa ayada oo aan noqonay dad dhagarta Midba kan kale ka shaqeeya Taasi Xal ma u noqotaa Dhaawicii dhacay xalkiisa Dadka iyo Duunyada Naga Baa ba,aysa dabaqabadkooda iyo Qaran jabay dhiskiisa--??
Waxaan u deenayaa Su,ashaasi Dadweynaha Soomaaliyeed waxaana igu dhalshay in aan Maqalkaan Qoro xili aan arkayo in Bulshadeyda inta dabar go,ooda ka shaqeyneeysa in ay sii kobcayaan kuna sii Naloonayaan in ay sii jiqaan Dhiiga shacabka Soomaaliyeed oo ay horay u jiqayeen kuwaasi waxa ay yihiin kuwo ku milman Xukamada TFG ilaa mid degaan Waxaase la yaab ah in dadkaasi wali Tilaabo laga qaadi la,yahay Banaankana la iska dhigi la yahay.
Duruustii Na soo Martay ee ay ka mid ahayeen "Walaalka ka Waraabi Hanitada Qaran inta aad ku Fadhido kurisgaan"Taasi waa ceeb in xili Aduunka dhabar jabin iyo duliga nagu fiirasanayo badidiisa hadane Midba in Midkeena kale uusan ka qaban Dhaca iyo dabargoonta uu wado shaqsigaasi Damiir laawaha ah!!!Waxaa ay Maantya Marka aan ka Fiirsho Xaga Bulshadeyda badi yihiin kuwo u hiilan isku soo noqoshada iyo Midnimada Qarankii Jabay ee Soomaaliyeed.
Waxaa badi dadku Aaminsan yihiin in Dowlad Dhexe oo Lahelaa uu dhibku yaraan lahaa Ayada oo shaqsi walba Goobtiisu dhibku ku gaaray Hoyooyin, Caruur iyo Ciroole badan ayay Gudaha Dalku macluul iyo gaajo ku haysaa halka kuwo badan ay jeelasha Aduunku ku xirxiran yihiin ayaga oo aysan heesan Cid dhibkooda ka hadashaana waxna ka qabataa Halka sidoo kale Kumanaan hooyooyin ah ay Qurbaha Qaati kala taagan yihiin Owladoodii iyo ragoodii ka dib markii ay qaran jabku yimid ka dib ayada oo badi dhibaatadaasi ay tahay mid Saf balaaran ay Soomaalidu u saameyneysa.
Taasi wax ay dhashay in badi Qurba joogta dalka ay Gartaan in ay Cawiyaan dadkooda Gudaha ku sugan ayada oo Tartiib Tartiib Rajada bulshadu u soo laabaneyso ayaga oo ku waana qaatay dalalka ay ku sugan yihiin iyo sida dadkooda ugu helan yihiin difaacaiyo dhismaha, waa wax lagu farxo in shacabku dib u ololeyn Sameeyo waxaase Yaab ah in Wakiil dal loo wakiishay iyo shaqsiyaad Lagu Aaminay Taladii Dalka iska kashadaan Qarbudida dal dalkiisu dhibaato ka soo daalay.
Waxaa ka sii daran sida Mas,uuliyad Darada leh ay kuwa Mas,uuliyad sheeganaya ay u dhaqmaan marka Soomali Gudaheeda laga hadlayo..!! waa hubaal in shaqsigaasi marka Umaddaha ajnabiga ah ag fadhiyo yahay Mid si Qurux badan u dhageysta Si Daacad ah ugu fulsha Danihiisa Nuucey Rabaan ha noqdaane Guntii Maqalkeygu waa In Inta samaanta jeceyl aysan ku kadsoomin kuwa hadalka qurxiya balse la macno ah amaba ka sii fog Mab da,a Qabyaalad iyo Qabiil marka la fiirsho kuwii na soo maray ee Qab qablah dagaal ahaa.
Waa jiro qabyaaldu daawadeedu aanan laheen waxaase looga bixi karaa waa Toobada eebe oo Qofku ku soo laabto asaga oo anan is tus tus ka ahayn ayada oo Bulshaduna ay Muhiim tahay in ay ku dadalaan sidii garab iyo Gashaan ugu noqon lahayeen kuwo dalka jeceyl Muwaadinimaduna dhabta ka ah aqoonta u leh ayada oo la la dagaalamayo in aanan mar danbe Tageero iyo hiilba la siin kuwa shaarakar Qabyaalad iyo Qabiilka sita Balse iskaga ka dhigaya Muwaadin ka Qaranka u adeegaya hadii taasi dhacdo waa hubaal in Qarankii Dumay dib u soo Nolaan doono Jiilasha danbena ay Nolol iyo dal ay lee yihiin ku naloon Donaan.
W/Q:Maxamed Yasin Xaji(cagmadhige)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Geesguud.com
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































