GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Wafdigii R/wasaare Gaas oo kulan casho ah la qaatay Qaar ka mid ah Jaaliyada Stockholm +Masawiro

Wafdigii R/wasaare Gaas oo kulan casho ah la qaatay Qaar ka mid ah Jaaliyada Stockholm +Masawiro

Xaflada si heer sare ah lo soo agaasimay islamarkaana lagu soo dhaweenayay Wafdi Balaaran uu hogaaminayay Ra,isul Wasaare Cabdi Wali Maxamed Gaas ayaa ka dhacady Magaalada Stockholm ee Wadanka Sweden ayada oo Xarunta lagu soo dhaweenayay Wafidgaan Khudabado kala duwan ay ka soo kala jeediyeen Madax kala duwan.

Madaxda ka socotay dowlada ee uu Hogaaminayay Ra.isul Wsaaraha ayaa Waxa ka mid ahaa Waziirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/wahaab Ugaas Khaiif, Safiirka soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Dalka Talyaaniga Amb, Nuur Xassan xuseen Nuurcade iyo Afhayeenka Xukuumadda KMG Cabdiraxmaan Yarisow.

Waxaana xaflada Wafdiga lagu so
o dhaweenayay isku soo dabu riday Ururka  Nabada iyo Hormarinta Soomaaliyeed oo uu Hogaaminayo Xildhibaan Cabduqaadir Cukaashe ayada oo Madasha uu ka soo jeedshay Khudbad soo dhaweyn ah sidoo kale waxaa ka hadashay MadashaXildhibaanad Drs, Aamina Saciid, Gud, Ururka Waalidiinta iyo Macalimiinta Soomaaliyeed ee Stockholm C/rasaaqa Geedi, Gud, Ururka Haweenka ee Xaawo Taako Sahro Barqadle, Ing Abuukar oo ku hadlay Magaca Doorka Aqoonyahanka Soomaaliyeed, iyo C/rasaaq laga lisay oo ku hadlay Magaca Odoyaasha Soomaaliyeed.

 

 




Waxaana sidoo kale ka hadlay Madasha Madaxdii DKG ah ka socotay sida Kana mid Ahaa Ra,isul Wazaare Gaas ayaga oo uga Mhad celshay Ururuka Nabada iyo hormarinta iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden dagan sida Kalgaceelka leh ay usoo dhaweyeen.


Waxaana Gababadii Xafladaasi ku soo idlaatay Jawi Qurux badan ayada oo Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ee Cabdi Wali Gaas Hogaaminayo ay Maalintii shalay ay kulan la qateen Ra,isul Wasaaraha WadankaSweden Fredrik Reinfeld iyo Qaar ka mid ah Xukumadiisa ayaga oo ka wada hadflay arimo quseeya dalalka Soomaaliya iyo Sweden .

Ra,isul Wazaare Gaas iyo Wafdiga la socda ayaa soo Maray Wadamada Brusels ee Bilgium iyo Magaalada London ee dalka Ingiriiskaoo uga Qeyb Galeen Shirar Arimaha soomaaliya Quseeya halka  Magaalada Oslo ee Wadanka Norway ay ku gareen Casumaad ay ka heleen Madaxda Dalkaasi Waxaana Wafdigu kulamo 
kula yesheen  Dalka Norway Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku Nool.

Wafdiga aya Iminka Waxaa uu ku sugan yahay wadanka Sweden ayada oo la filaayo in uu kulamo Balaaran kula yeesho Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadankaan Mana ahan Markii ugu horeysay ee Wafdi ka socda Dowlada Yimaado Dalkaan ayada oo Wafdiyo ka socda Dowlada Soomaaliyeed iyo Madax uu ka mid ahaa Ra,isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo sidaan oo kale loogu soo dhaweeyay.

Tasoo ay suubiyeen Ururka Nabadda iyo Hormarinta  iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaan ku Nool oo Gacmo ka wada qaatay Kulamada Nuucaan ah Tasoo Tilmaan u ah in ay Kaga Jiraan Kaalin Fir Fircoon  Qurba Joogta Soomaaliyeed.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash