GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Prof Abdiweli Mohamed Ali oo maanta soo gaaray magaalo madaxda Stockholm ee dalka Sweden

Prof Abdiweli Mohamed Ali oo maanta soo gaaray magaalo madaxda Stockholm ee dalka Sweden

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo maanta soo gaaray magaalo madaxda dalka Sweden ee Stockholm ka dib markii uu soo dhameystiray booqasho uu maalmahan ku joogey Norway.

Ra'iisul Wasaaraha dalka Sweden Fredrik Reinfeldt  iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali  ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirkii London iyo sida ugu habboon ee Somalia iyo Sweden uga wada shaqeyn karaan sii xoojinta horumarka baaxadda leh ee Xukuumadda FKMG ah ku tallaabsatay 6dii bilood ee la soo dhaafay, gaar ahaan soo afjaridda Xilliga KMG ah iyo dhaqangelinta Roadmapka iyo heshiisyadii Garowe.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isla maanta kulan dheer oo qado ah la qaatay Marika Fahlen oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Geeska Africa iyo mas'uuliyiin ka socotay Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Sweden.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa maalinta 1da Maarso uu fiidkii kulan la yeelan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo qabanqaabo xoog leh ugu jirta soo dhoweynta Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beryan booqashooyin rasmi ku soo kala bixiyey Brussles, Midowga Yurub, London, Norway iyo Swedan 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash