GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Diyaarado weerar dhinaca cirka ah ka fuliyay duleedka Kismaayo

Diyaarado weerar dhinaca cirka ah ka fuliyay duleedka Kismaayo

Weerar dhinaca cirka ah oo qasaare uu ka soo gaaray dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayay waxa ay ka fuliyeen duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 

Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo kusugan xaafada Qandal oo ku taala xeebta duleedka Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, diyaarado dhowr ah ayaa saakay waxa ay duqeyn u geysteen goob ay ku sugnaayen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa xaafadaasi.

 

Dadka deegaanka waxa ay sidoo kale sheegeen in ay maqleen dhawaqa duqeynta ay ridayeen diyaaradahaasi oo ay tilmaameen in ay ahaayeen kuwa aad u culus, waxaana mar qura is badaly goobtii diyaaradahaasi ay weerarka ka geysteen.

 

Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo ee xarakada Al Shabaab Sheekh Xasan Yacquub Cali oo caawa la hadlay Idaacada ku hadasha afka Al Shabaab ee Andulus ayaa waxa uu qiray in uu jiro weerarka diyaaradahaasi ay geysteen, isagoo tilmaamay in diyaaradaha laga leeyahay wadamada Faransiiska iyo Maraykanka.

 

Sheekh Xasan Yacquub waxa uu sheegay in xiligii duqeynta ay dhaceysay ciidamada Al Shabaab Roondeyn ay ka wadeen Xaafada Qandal ee duleedka Kismaayo, waxaana uu xusay in halkaasi uu dhaawac ka soo gaaray labo ka mid ah ciidamadii Al Shabaab.

Ali Abdi Geesguud Media Kiismaayo

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash