– Shir ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir- guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin geeridii shalay ku timid WasiirkiiArrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, muddaaharaadyadii labadan cisho ka dhacayey waddanka gudihiisa iyo waddamada dibedda iyo heshiiskii Kampala.
Golaha Wasiirada waxey ka tiiraanyeysan yihiin geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan Farax, Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo ku geeryooday qarax argagaxiso oo ay soo qorsheeyeen kooxaha xagjirka ah ee khawaarijta ah ee diiddan nabadda dalka. Golahu waxa ay tacsi u direen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumku.
Golaha Wasiirada waxay soo dhoweeyeen, rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo ay ku muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed iyo xukuumaddiisa. Taasoo ah markii ugu horreysey ee taariikhda Soomaaliya oo ay shacabka si hagar la’aan ah u muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda.
Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) waxa uu golaha siiyey warbixin ku saabsan kulamadii iyo heshiiskii Kampala. Kadibna Golahu waxay ka doodeen qoddobada heshiiskii Kampala waxayna go’aamiyeen arrimahan:
1. In heshiiska Kampala u baahan yahay in la horgeeyo Baarlamaanka, lana waafajiyo Axdiga KMG ah iyo shuruucda dalka u degsan.
2. Is-casilaadda Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu iyo hirgelinta qoddobada kale ee heshiika Kampala waxay ku dhaqan-geli karaan oggolaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya. Golaha Wasiiraduna waxay diyaar u yihiin inay aqbalaan go’aanka Baarlamaanka.
3. Golaha Wasiirada waxay weli u arkaan in danta dalka iyo dadka ay ku jirto in muddo hal sano ah dib loo dhigo doorashada madaxda Qaranka, si Xukuumaddu u dhameystirto howlaha qabyada u ah; waxayna diyaar u yihiin in ay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed, wadashaqayn buuxdana la yeeshaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka. Mahad Ali Geesguud Media Muqdisho This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































