GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Farmaajoow laabtena kufiyoow ee haku fikirin Is casilaad tix gaaban

Farmaajoow laabtena kufiyoow ee haku fikirin Is casilaad tix gaaban

Markan Kuqanci waaynay bulsha weyntena soomaaliyed iscasilaada farmaajo ayaan
tixdaan gaaban tiriyay. Bulsho weynta somaliyed inkasto qurbaha ubateen hadane wa
kasimanyihiin falkaan lagu casilayo ninka keliya ee dhaqdhaqaaq laga dareemay.

Bulsho fayoow.
Maanteey fagaaro timid.
Mudo fogeyd.
Dad faruryaha laga haysto.
Beenta loo faafinayay.
Maantey fiiro yeesheenoo.
Fagaaro yimaadeen.
Fisiqii qarsanaa.
Farajkii qaldanaa.
Fowdadii socotay.
Maantaan fahanay.
Fiyoorihii nabada.
Farmaajaa horseedoo.
Furay waxqabadkiiye.
Bal ufiirso.
Waxey faleen.
Faasiqiintii nasoo maray.
Gaalada feylkeedii.
Baa loo furoo.
Ayagoo fahmin ujeedada shisheye.
Faraqa udhigteen faluus.
Markan fiirshay idilkood.
Fajac ban kaqaaday.
Indhuhu fiicni mey qaban.

Firxad bey nabadeyn.
Dunidaa kukala fatahnoo.
Kukala faniinay.
Faraqyadii soomaali.
Faracba meel aadyay.
Farmaajaa noo dhaqaaqoo.
Nabadii dib ufeyday.
Faasiqiintii baa arkayoo.
Nabadii faro baxsatayee.
Farmaajoow iscasil.
Fiid kuheshiiyeen.
Farmaajoow wan kudoneynaa.
Barwaaqaad noo feydoo.
Laabteenaa kufiyoow.
Haku fikirin iscasilaad.
Faaidadeenaa kugu xerane.

Farmaajoow adaa.
Fisqigee wadeen.
Dhab uga falaagoobee.
Dib haw fiirin weligaa.
Farmaajoow wan kudoneynaa.
Barwaaqaad noo feydoo.
Laabteenaa kufiyoow.
Haku fikirin iscasilaad.
Faaidadeenaa kugu xerane.

Shariifyada fidnoobee.
Feedha isasaartay.
Faashilkiyo ceebta.
Faro xumee kuheshiiyeen.
Farmaajoow wan kudoneynaa.
Barwaaqaad noo feydoo.
Laabteenaa kufiyoow.
Haku fikirin iscasilaad.
Faaidadeenaa kugu xerane. 

Falfalaadka dilka.
Kuwa lagu falee waashay.
Fuluus keli bey eegteen.
Faceyn inaan kaharnoo.
Faraskeenii gaabiyay.
Fahanba uma laha.
Farmaajoow wan kudoneynaa.
Barwaaqaad noo feydoo.
Laabteenaa kufiyoow.
Haku fikirin iscasilaad.
Faaidadeenaa kugu xerane.
W/D Ibrahim Ali Abdi (kalafoge)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  
 


Newsflash