Afhayeenka Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah C/Nuur Macalin Abshir, balse isu bixiyay C/llaahi Abuu Yuusuf Al-Qaadi ayaa guulo ka sheegtay dagaalo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud.
Abuu Yuusuf ayaa sheegay in dagaaladii maanta ay ku qaadeen Ciidamadooda tuulooyin ka tirsan degmada Ceelgaras, isagoo tilmaamay in dagaaladaas ay ku dileen tiro ka tirsan Ciidamada Shabaab, isla markaana kula wareegeen Hub iyo gaadiid dagaal.
"Deegaanka dagaalka ka dhacay Ciidamadeena ayaa weeraray barqanimadii maanta, waxaana dagaalka soo afjarnay 2-dii Duhurnimo, waxaa la wareegnay gaadiid dagaal, meydadkoodan wadada ayay dhooban yihiin"ayuu yiri Abuu Yuusuf.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in deegaanka uu dagaalka ka dhacay uu ka tirsan yahay Degmada Ceelgaras, isagoo meesha ka saaray in deegaanka Bulacle uu ka tirsan yahay Degmada Dhuusa Mareeb.
Abuu Yuusuf ayaa sheegay in Kolonyadooda ay ku wajahan yihiin Degmada Ceelbuur oo xarun u ah Shabaabka, waxaana uu sheegay in halkaas saacadaha soo socda ay ku qaadi doonaan duulaan ballaaran sida uu hadalka u dhigay.
Dagaalada u dhaxeeya Shabaab iyo Ahlu Sunah ayaa ku sii fidaya deegaanada Galgaduud iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay dagaalo labada dhinac ku dhex maray qeybo ka mid ah Gobolkaas.
Labadan Urur diimeed oo mowqifkooda ay kala fog yihiin ayaa hada waxay wadaan loolan kii ugu dambeeyay, waxaana labada dhinac qorsheynayaan in dagaalo ku kala qabsadaan deegaanada ay kala maamulaan.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































