Home » Archives by category » CAYAARAHA

Waa kuma ciyaartooyda gashay fadeexada galmo ee ugu weyn kubadda cagta? Arsenal, Man Utd & Chelsea oo lug kula jira

Marka laga soo tago in kubadda cagta ay tahay mihnadda ugu weyn ee ay xirfadlaayaasha ku xamaashaan, hadana waxaa soo jireen ah iney jireen fadeexooyin kala duwan oo ku hareereysan kubadda cagta. 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa hareynayay ciyaartooyda waaweyn ee magaca kulrh kubadda cagta fadeexado la xiriira galmada. Haddaba manta waxaan idin soo […]

Wargeyska La Gazzetta dello Sport Oo Daaha Ka Qaaday In Ac Milan Ay Qarka U Saaran Tahay Saxiixa Alvaro Morata.

Ac Milan ayaa qarka u saaran iney la saxiixato weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata iyadoo lasoo warinayo inuu xidigaan aqbalay dalab qaas ah oo kaga yimid kooxda reer talyaani.

Weeraryahanka reer Spain ayaa xagaagii lasoo dhaafay dib ugu soo laabtay Spain isagoo soo afjaray muddo uu kusoo qaatay Juventus, balse markaan wuxuu ku dhaw yahay inuu Serie A-da dib ugu laabto inkastoo uusan kasoo muuqan doonin Turin.

La Gazzetta dello Sport ayaa qortay in xidigaan uu aqbalay dalab mushaar dhan 7.5 Malyan oo Euro oo loosoo bandhigay xidigaan inuu sanadkii ku shaqeeyo.

Ac Milan markaan waxey isku diyaarineysaa iney dalab 60 Malyan oo Euro ah ka gudbiso xidigaan madama ay si gaar ah ula heshiiyeen.

Wargeyska wuxuu intaas ku darayaa in Morata uu maanka ku haayay waqti hore inuu isaga guuro caasimadda madama uusan fursad ku heysanin.

Ugu dambeyntiina agaasimaha Milan Massimiliano Mirabella ayaa u safrayay Spain maalmahii ugu dambeeyay si uu xidigaan ugu qanciyo inuu Serie A-da kusoo laabto sidoo kalana uu ka mid noqdo dhiiga lagu kiciyo Milan.

Arimaha Qoyska , Jaceylka – BooqoAlcarabiya.com

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

kooxaha United & City oo £ 1m ugu deeqay dhibbanayaasha weerarkii argagixiso ee Manchester

Manchester City iyo Manchester United ayaa si wadajir ah u balan qaaday £ 1m oo lacag ah in ay ku taageerayaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Isniinta lasoo dhafay ka dhacay magaalada Manchester. weerarka ismiidaaminta ee ka dhacay toddobaadkaan magaalada Manchester waxaa ku dhintay 22 qof, halka ay sidookale ay ku dhaawacmeen 64 qof oo kale. […]

Muuqaal: Cajiib,Cajiib Daawo Saxiixa Cusub Ee Real Madrid Oo Durba Tusay Adduunka Waxa Uu Real Madrid Ku Soo Biirin Doono

Xiddiga cusub ee ay kooxda Real Madrid la soo wareegtay ee Vinicius Junior ayaa durba adduunka iyo kooxaha kale tusay waxa uu Real Madrid ku soo kordhin doono.Vinicius Junior ayaa xirfad cajiib ah ku soo bandhigay kulan uu u ciyaarayay xulka qaranka Br…

Gareth Southgate oo ku dhawaaqay 25ka ciyaaryahan ee wajahaya Scotland & France- Rooney kuma jiro

Wayne Rooney ayaa laga saaray xulka England ee uu goor dhaw ku dhawaaqay macalin Gareth Southgate, halka daafaca dhalinyarada ah ee Tottenham Kieran Trippier lagu soo daray xulka. England ninka ugu goolasha badan ayaa iska waayay liiska 25-ka nin ee bisha soo socota isreebreebka koobka adduunka ku wajahaya Scotland, iyo ciyaarta saaxiibtinimo ee  France. Southgate ayaan […]

Wargeyska Sport Oo Ogaaday Bartilmaameedka Ugu Horeeya Suuqa Kala Iibsiga Macalinka Kusoo Wajahan Barcelona Ee Ernesto Valverde

Sida la hadal hayo tababare Ernesto Valverde ayaa lagu wadaa in loo magacaabo tababaraha shaqada ka badali doona Luis Enrique kaas oo kulankiisa ugu dambeeya leylin doona Barcelona isbuuca soo aadan markaas oo ay final-ka Copa del Rey la yeelanayaan Alaves.

Tababarahii hore Athletic Bilabo ayaa durba la ogaaday qorshahiisa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee uu doonayo inuu ku dhiso Barcelona waxaana lasoo warinayaa inuu markaan diirada saarayo saxiixa Ander Herrera.

27-jirkaan heerka caalami ayaa loo magacaabay dhawaan xidigii ugu fiicnaa kooxdiisa Man United xilli ciyaareedkii dhamaaday wuxuuna si joogto ah uga mid noqday xidigaha uu ku xisaabtamo Jose Mourinho.

Wargeyska Sport ee kasoo baxa gobolka Catalonia ayaa ku waramay in Ernasto Valverde uu diirada saarayo soo xerogalinta Ander Herrera.

Dhanka kale Jose Mourinho ayaa doonaya inuu xidigaan heshiis cusub ka saxiixo isla markaana ka hor istaago dhaqaaq walba oo ka dhan ah Old Trafford balse kaliya 12-bilood ayaa kaga haray qandaraaskiisa kooxda ka dhisan England.

Andre Gomes ayaa noqday saxiix fashilmay kaas oo la qabsan waayay Balaugrana balse Valverde wuxuu doonayaa inuu ku iloobo Ander Herrera.

Arimaha Qoyska , Jaceylka – BooqoAlcarabiya.com

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

DEG-DEG: Liiska Xulka Qaranka England Ee La Ciyaaraya France & Scotland Oo La Magacaabay, Yaase Ka Maqan?

Kabtanka Manchester United Wayne Rooney ayaa laga reebay xulka qaranka England ee la ciyaaraya France & Scotland, kadib markii Gareth Southgate uu soo saaray liis ka kooban 26-xidig oo ay ku jiraan ciyaartoy dhalinyaro ah.

Rooney oo 31-jira h ayaa kasoo muquday qaranka England 119-jeer mudadiisa wuxuuna markii ugu horeysay kasoo muuqday 2003 markaas oo uu badal kuso galay kulan ay 2-1 kaga adkaadeen Austria.

Daafaca midig ee Spurs Kieran Trippier ayaa looga yeeray qaranka England markii ugu horeysay, wuxuuna fursad heli doonaa midkood labada kulan ee qaranka.

Jack Butland ayaa dib ugu soo laabtay qaranka kadib markii uu kasoo kabtay dhaawac dhanka jilibka ah oo wax badan garoomada u diiday.

Wiilasha dhalinyarada ah ee Manchester United Marcus Rashford iyo Jesse Lingard ayaa kasoo muuqday safkaan si la mid ah Smalling iyo Jones ayaa ku jira.

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

GOOLHAYEYAASHA: Jack Butland (Stoke), Fraser Forster (Southampton), Joe Hart (Torino), Tom Heaton (Burnley);

DAAFACA: Ryan Bertrand (Southampton), Gary Cahill (Chelsea), Nathaniel Clyne (Liverpool), Aaron Cresswell (West Ham), Ben Gibson (Middlesbrough), Phil Jones (Man Utd), Chris Smalling (Man Utd), John Stones (Man City), Kieran Trippier (Tottenham), Kyle Walker (Tottenham);

KHADKA DHEXE: Dele Alli (Tottenham), Eric Dier (Tottenham), Adam Lallana (Liverpool), Jesse Lingard (Man Utd), Jake Livermore (West Brom), Alex Oxlade-Chamberlain (Arsenal), Raheem Sterling (Man City);

WEERARKA: Jermain Defoe (Sunderland), Harry Kane (Tottenham), Marcus Rashford (Man Utd), Jamie Vardy (Leicester).

Arimaha Qoyska , Jaceylka – BooqoAlcarabiya.com

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

Arsene Wenger oo Arsenal keenaya ciyaaryahan walaalkii ka ciyaaro Premier League

Kooxda Arsenal ayaa udhaqaaqday saxiixa xiddig ka tirsan koox ka ciyaarta horyaalka Jarmalka kaasoo la dhashay xiddig ka ciyaara horyaalka ingiriiska. Kooxda Arsenal ayaa la soo warinyaaa in ay udhaaqaaqday xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Borussia Monchengledberch ee Thorgan Hazard. Xiddiga xulka Belgium oo ah walaalka xiddiga kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa waxa uu […]

Messi Mise CR7? Daafaca Bayern Munich Jerome Boateng Oo Magacaabay Xidigii Ugu Adkaa Oo Uu Ka Hortago.

Daafaca Bayern Munich Jerome Boateng ayaa magacaabay xidigahii ugu adkaa oo uu ebidkiis ka hortago balse layaab kuma noqon qofna madama uu si wadajir ah u doortay xidigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Xidigaan ku guuleystay koobka aduunka ayaa wajahay qaar ka mid ah xidigaha ugu fiican dunida waqtiga uu xiranyahay kooxda iyo xulkaba.

Jerome Boateng ma iloobin wixii uu ku dhigay Lionel Messi kaas oo dhulka ku dhuftay kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub markaas oo ay Barcelona u gudubtay final-ka Champions League 2015.

28-jirkaan heerka caalami wuxuu qiray inuu aad u xushmeeyo xidigaha ugu sareeya kubadda cagta waqtigaan ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

“Messi & Ronaldo waa kuwa iigu adkaa, sidoo kale waxaan magacaabi lahaa Hazard, Neymar-ka Barcelona & sidoo kale Karim Benzema”

“Messi si fudud xitaa adigu ma joojin kartid. Ronaldo waa mid sahlan sababtoo ah waa mid inta ku tiirsan awoodiisa ciyaareed”

“Ronaldo wuxuu badalay ciyaarahiisa, wuxuu diirada saaray inuusan wax badan kubada jiidin isla markaana uu sare u qaado wax soo saarkiisa. taasina waa mid adag in laga hortago sababtoo ah wuxuu qaadanayaa waqti cajiib ah”

Ugu dambeyntiina Ronaldo ayaa ahaa xidigii ugu dambeeyay ee dhibaateeya Bayern Munich madama uu shan gool ka dhaliyay labadii lug ee quarter final-ka.

Arimaha Qoyska , Jaceylka – BooqoAlcarabiya.com

La Wadaag Asxaabtaada:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments

Let’s block ads! (Why?)

Manchester United oo markii labaad lagu garaacay saxiixa Renato Sanches- yuu ku biirayaa?

Kooxda kubada cagta ee Juventus ayaa rabta in ay ka dulqaado kooxda Manchester United xiddiga Khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Renato Sanches sida uu maanta qoray wargeyska The Sun Xiddigaan da’da yar ee ka ciyaara khadka dhexe ayaa xilli ciyaareedkaan waxa uu kusoo bilawday oo kaliya lix kulan kooxdiisa. Balse kooxda reer […]

Page 1 of 33123Next ›Last »