Aqoonyahan Cismaan Badmaax Oo Shacbiga Somaliland Ku Hanbalyeeyay Farxada Xuska Maalinta 18-May Iyo Qorshaha Sanadkan Loo Badelay ee Bad Baadita Shacabka Abaartu Taabatay.

Dubai (Foore) – Aqoonyan Cismaan Maxamed Badmaax, oo kamid ah Hormoodka,Haldoorka mudanta ah ee dalka Somaliland leeyahay, ayaa Farxada Xuska Maalinta Qiimaha Badan ee Xornimada ama Gooni Isku taaga Somaliland ee 18-May ku soo hambalyeeyay Shacabka Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan,Waxa uu sidoo kale Wax lagu farxo ku tilmaamay in Doorkan loo badelay Gurmad iyo tabarucaad loo ururiyo Shacabkeena Abaaruhu ragaadiyeen, waxaanu wax lagu farxo ku tilmaamay Sida qiimaha badan ee Nabadgalyada ah ee ay ugu soo afmeerantay Dhamaan Gobolada Dalka Somaliland.
Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax oo ku sugan Dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan Magaaladda Abu-Dadhi oo la soo xidhiidhay Wargeyska Foore ayaa Waxa hambalyada uu nasoo gaadhsiiyay ka mid ahaa sidan“waxaan ugu horayn Salaan qiime badan halkan uga jeedinayaa Warbaahinta Foore,gaar ahaan Wargeyska Foore,iyo dhamaan hawl wadeenada Wargeyska,waxan runtii si niyad ahhanbalyo ugu dirayaa caam ahaan ummadda reer Somaliland,munaasibada Xuska 18-May, illahay ayaynu ugu mahad naqaynaa sida nabadgelyada ah ee guud ahaan looga hirgaliyay Qorshaha Cusub ee kaalmaynta Dadkeena Abaartu saamaysay,ee lacagta tabarucaadka ah loogu ururiyay,taasi oo ka dhacday Goob kasta oo waddankii ah, illahay ayaynu ugu mahad naqaynaa. Waxaanan u rajaynayaa shacbiga Somaliland iyo shucuubta Muslimiintaba ahba in alle inaga aqbalo Acmaashaasi khauriga ah ee dadkeena lacagta loogu rururiyay”.
Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax, oo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi. “Farxada maalintani Leedahay iyo sida qiimaha leh ee dadkeenu heeganka ugu yihiin ee dalkeena looga wada hirgaliyay, runtii wax aad iyo aad loogu farxo weeye. Illahay Maalinta maalinteeda bash-bash, barwaaqo iyo horumar haynagu gaadhsiiyo”. Sidaasi ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax oo ka mid ah ragga hormoodka ah ee Reer Somaliland ee dal jacaylka iyo Waddinayadu Qalbigiisa degtay,had iyo jeerna u heelan inuu Dalkiisa iyo dadkiisa la wadaago farxada iyo maalmaha Xuska Qaranimada.
Cismaan Maxamed Badmaax Waxa uu sidoo kale ka mid yahay Shaqsiyaadka u heelan inuu ka qayb qaato dadaalada Muuqda ee dalka wax tarka u leh.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR